Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Ay Walaalo Yihiin Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Oo Shir-qool Lagu Khaarajiyey

focus

Nin Ay Walaalo Yihiin Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Oo Shir-qool Lagu Khaarajiyey

(SLT-Sanca)-Dhaq-dhaqaaqa xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sheegay in Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ay dileen wiil la dhashay hoggaamiya kooxda Xuutiyiinta.

Arintaan ayaa waxaa shaaciyay wasaarada amniga ee dowlada ay sheegteen kooxda Xuutiyiinta oo fadhigoodu yahay magaalada Sanca, kadib qoraal lagu soo daabacay webka ku hadla afka xuutiyiinta ee Al-Masiirah.

Ibraahin Badrudiin Al-Xuuti waxaa lagu dilay si qiyaano ah oo ay ka danbeeyaan Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka ay soo saartay Xuutiyiinta.

Balse kooxda ma shaacin waqtiga iyo xiliga la dilay wiilka la dhashay hoggaamiyaha mucaaradka xuutiyiinta oo lagu eedeeyay isbaheysiga Sacuudiga oo tan iyo sannadkii 2015-kii ka dagaalamaya dalka Yemen.

Balse saraakiil la hadashay wakaalada wararka ee Reuters oo diiday magacooda ayaa sheegay in Al-Xuuti meydkiisa laga helay guriga uu ka deganaa magaalada Sanca.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top