Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Labaad Ka DhacayOo Caasimadda Denmark 4 Maalmood Gudahood

focus

Qarax Labaad Ka DhacayOo Caasimadda Denmark 4 Maalmood Gudahood

(SLT- Copenhagen)-Qarax ayaa waxyeeleeyay Saldhig boolis oo ku yaalla Caasimadda Dalka Denmark ee Copenhagen, xilli hore oo Sabtida Maanta ah.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee Caasimadda Danishka ka dhaca muddo Afar Maalmood gudaheed ah.

Qofna kuma dhaawacmin Qaraxa oo ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Norrebro, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska, Jorgen Bergen Skov.

Salaasadii la soo dhaafay, Hal Qof ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay dibedda Xafiis ay leeyihiin Shirkad Tagaasida kiraysa.

Qaraxa hore waxa Boolisku ku sheegeen Qarax si ku talo-gal ah loo sameeyay, laakiin Qaraxa hore iyo ka Maanta dhacay ayaan la ogayn inay xidhiidh leeyihiin, inkasta oo ay weli xilli hore tahay oo baadhitaan socdo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top