Connect with us

somalilandtoday.com

Kornayl Caarre Oo Diidan Kuna Gacan-saydhay Shuruud Ay Ku Xidhay Xukumadda Madaxweyne Biixi

English

Kornayl Caarre Oo Diidan Kuna Gacan-saydhay Shuruud Ay Ku Xidhay Xukumadda Madaxweyne Biixi

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa shuruud hor leh ku xidhay fulinta heshiis dhexmara Kornayl Caarre. Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in madaxda dhaqanka ee la kulmay Caarre dhammeeyeen guud ahaan arrimaha marka laga reebo mustaqbalka Caarre.

Xoguhu waxay sheegayaan in xukuumaddu dalbatay in Kornayl Caarre ka baxo dalka kadibna dibadda ka soo codsado cafis madaxweyne sidaasna madaxweynuhu ku cafiyi doono laakiin, Kornayl Caarre ayaa arrintaasi ku gacan-saydhay.

Madaxda dhaqanka ee hawshan ku jira ayaa badhkood Hargeysa ku soo laabtay halka qayb kale oo Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani hormuud u yahay wali ku sugan tahay gobolka Sanaag waxaana arrinta kala shaqaynaya badhasaabka Sanaag Mr Tiimbarow.

Madaxweyne Biixi ayaa loo arka in ay caqabad weyn ku tahay jabhadda fadhiisinka ka dhigatay meel aan ka fogayn Ceerigaabo, islamarkaana marar badan laga taageeray Ceerigaabo iyo Burco, waxaanay dhammaynta arrintaasi ee odayaashu culays ka ridi doonto xukuumadda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top