Connect with us

somalilandtoday.com

Laascaanood:Jabhad Weerartay Ciidanka Somaliland

focus

Laascaanood:Jabhad Weerartay Ciidanka Somaliland

(SLT – Hargeysa):- Magaaladada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa xalay markii labaad soo weerartay jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.

Dableey hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka Sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland waxaana mudda saaacad ah halkaasi laga maqlayey dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan.

Dableeyda weerarka soo qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac

Sidoo kale habeen ka hor ayaa dableey hubaysan oo ka tirsan isla jabhaddan waxay weerar ku qaadeen xerada loo yaqaanno Buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland.
Kornaylka kooxdan hoggaaamiya ayaa weerarka hore sheegay in jabhaddiisu fulisay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top