Connect with us

somalilandtoday.com

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen Iyo Hay’adda WFP Oo Ku Heshiis Gaadhay

focus

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen Iyo Hay’adda WFP Oo Ku Heshiis Gaadhay

(SLT-Yemen)-Hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee WFP iyo maleeshiyada mucaaradka xuutiyiinta Yemen ayaa gaadhay heshiis dib loogu bilaabayo gargaarka la gaadhsiinayo dadka rayidka ah oo ay saameysay Colaadda.

Macaawinada WFP iyo howlaha kale oo ay ka qaban jirtay Yemen gaar ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin barakacayaasha ayaa hakad uu ku yimid bishii June.

Afhayeenka xuutiyiinta Maxamed Cali Al-Xuuti ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in heshiis ay la gaadheen hey’ada WFP.

Heshiiska labada dhinac ayaa imaanayaa iyadoo dalka yemen ay ka jirto macluul aad u baahsan taasi oo ka dhalatay colaada shantii sanno ee la soo dhaafay ka taagan Yemen.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa dabayaaqadii sannadkii 2014 xoog kula wareegay magaalada Sanca oo xarun u aheyd xukuumada Yemen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top