Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Lagu Eedeeyay Weeraro Lagu Dilay 30 Qof Oo Ka Dhacday Gobollada Texas Iyo Ohio

focus

Madaxweyne Trump Oo Lagu Eedeeyay Weeraro Lagu Dilay 30 Qof Oo Ka Dhacday Gobollada Texas Iyo Ohio

(SLT-Washington)-Xubnaha xisbiga dimuquraadiga Mareykanka ee loolanka ugu jira kursiga madaxtinimo ee Mareykanka ayaa ku eedeeyay toogashadii ka dhacday gobolada Texas iyo Ohio madaxweyne Donald Trump.

Waxay sheegeen in Trump uu sabab u yahay amni darada ka jirta Mareykanka falalka naceybka ah ee sii baahaya gobolada iyo hanaanka qaldan ee kula macaaliyo Qaxootiga.

Mudanihii hore ee aqalka Congress-ka u matali jiray gobolka Texas Beto O’Rourke ayaa tilmaamay in toogashada ka dhacday sabtidii Texas in uu mas,uul ka yahay Trump.

Wuxuu intaa raaciyay in madaxweynaha Mareykanka uu ku caan baxay falalka isir naceybka ah uuna ku fashilmay wax ka qabashada hubka ku jira gacanta Dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee toogashada ka dhacday gobolada Ohio iyo Texas Sabtidii ayaa waxaa ku dhintay 30 qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top