Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Amray In Hoos Loo Dhigo Calanka Maraykanka Muddo 5 Maalmood Ah

focus

Madaxweyne Trump Oo Amray In Hoos Loo Dhigo Calanka Maraykanka Muddo 5 Maalmood Ah

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in hoos loo dhigo calanka Maraykanka muddo shan maalmood ah.

Ujeedada tallaabadan ayaa ah si loogu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay laba toogasho oo ka kala dhacay gobollada Texas iyo Ohio, mudd 13 sacadood gudahood ah.

Toogashooyinkan ayaa waxaa ku dhintay 29 qof, ayada oo in ka badan 50 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ammaanka gobolka Texas ayaa sheegay in ay dalban doonaan in xukun dil ah lagu fuliyo ninkii weerarka ka gaystay magaalada El Paso ee gobolkaasi.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta oo isniin ah uu si ballaadhan uga hadlo falalkan, inkasta oo mar shalay su’aal laga weydiiyay uu ku sheegay dadka weerarka fuliyay dad maskaxda ka jirran.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top