Connect with us

somalilandtoday.com

Maalinta Laga Ciidayo Dhulka Soomaalida Iyo Sacuudiga Oo La Shaaciyey Iyo Dalal Kale Oo Khilaafsan

focus

Maalinta Laga Ciidayo Dhulka Soomaalida Iyo Sacuudiga Oo La Shaaciyey Iyo Dalal Kale Oo Khilaafsan

(SLT-Muqdisho)-Waxaa la filayaa in Ixtifaalka Munaasabadda Maalinta 1-aad ee Ciiddul-Adxa dhici doonto maalinta axadda ee soo socota, inkastoo uu durba soo baxeen Waddamo rumeysan inay Maalinta Isniinta noqonayso Maalinta 1-aad ee Ciidda Arafo.

Warbaahinadda kala duwan ee Dunida Islaamka ayaa soo werinaya in lagu kala duwan yahay aragtida bilashadda Bishan Dul-xaj ee sannadkan 1440-ka Hijriyah, oo ay Jamhuurka badankiisa sheegeen in la arkay Bilashadda Bishan Jimcihii la soo dhaafay.

Maalinta Ciidda oo ku beegan bishan Dul-xaj ama Carafo 10-da ayaana ah maalinta ay Muslimiinta Caalamka u dabaal-degaan Ciidda Al-adxa oo ka mid ah Labada Munaasbadood ee Ciidda Muslimiinta.

Ilaa 20-Waddan oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Somaliland, Soomaaliya, Suuriya, Yemen iyo Baxrayn ayaa la filayaa in Ciiddul-Adxa ee sannadkan loo dabaal degi doono maalinta Axadda ee soo socota.

Labo Waddan Carbeed ee Morooko iyo Cummaan waxay ku dhawaaqeen inay Ciiddi doonaan Maalinta Isniinta ee soo socota, oo ayna ciiddi doonin maalinta Axadda ee toddobaadka soo socda.

Sannad kasta, marka la gaadho 10-ka bisha Dul-xaj waxay dadka Muslimiinta u dabaal degaan Maalinta Koowaad ee Ciiddul Adxa oo la gawraco Xoolaha Udxiyadda ee ay dadka Muslimiinta isku casuumaan, loona qeybiyo hilibka Udxiyadda Bulshadda aan awoodin inay gawracdaan Xoolaha Udxiyadda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top