Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Hubaysan Oo 9 Qof Ku Dilay Toogasho Labaad Oo Ka Dhacday Maraykanka

focus

Nin Hubaysan Oo 9 Qof Ku Dilay Toogasho Labaad Oo Ka Dhacday Maraykanka

(SLT-Dayton)-Nin Hubaysan ayaa ugu yaraan 9 Qof ku dilay Magaalada Dayton oo ka mid ah Ismaamulka Ohio ee dalka Maraykanka.

Ninka Weerarka geystay ayaa Markii dambe Ciidammada Boolisku toogasho ku dileen, Axadda Maanta sida Madaxda Boolisku Xaqiijiyeen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee 24-kii Saacadood ee u dambeeyay ka dhacay Dalka Maraykanka.

Weerarkan Dayton ayaa Tirada 24-kii saacadood ee u dambeeyay lagu dilay Maraykanka ka dhigaysa 30 Qof, maaddaama oo weerarkii kan ka horreeyay ee lagu qaaday Tukaan ku yaalla Magaalada El Paso ee Gobolka Texas, kaasi oo ay ku dhinteen Dad tiradooda lagu sheegay 21 Qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top