Connect with us

somalilandtoday.com

Guddiga Beelaha Garxajis Oo Ka Hadlay Kulanka Ay La Yeesheen Kornayl Caarre

focus

Guddiga Beelaha Garxajis Oo Ka Hadlay Kulanka Ay La Yeesheen Kornayl Caarre

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddida beelaha Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Caddagude ayaa ka hadlay ifafaalaha ka soo bixi kara kulan dhex maray hoggaanka dhaqanka ee beelaha Garxajis iyo Kornayl Caarre. Kulanka odayaashu ugu tageen Kornaylka ayaa ah dhexdhexaadin laga dhex wado isaga iyo xukuumadda madaxweyne Biixi.

Suldaan Caddagude oo wargeyska Geeska Afrika la hadlay ayaa yidhi “Imika meel wanaagsan bay wax marayaan illaahay idamkiina inay wax walba wanaag inoogu dhammaadaan baanu rajaynaynaa, waxaan rajaynayaa in ay wax walba khayr inoogu dhammaadaan,”

Shalay ayay warbaahinta iyo baraha bulshadu si weyn u faafiyeen sawirrada kulanka madaxda dhaqanka iyo kornayl Caarre.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top