Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Lagu Eedeeyay Xadhiga Shaqsiyaad U Ololeeya Xuquuqda Aadamaha

focus

Sacuudiga Oo Lagu Eedeeyay Xadhiga Shaqsiyaad U Ololeeya Xuquuqda Aadamaha

(SLT-Riyadh)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha Sacuudiga ee fadhigeedu yahay Yurub ayaa canbaareysay xadhiga Maxamed Cabdulahi Al-Cutaabi oo u xidhan Sacuudiga.

War saxaafadeed ay ku soo qoreen barta Twitterka ayaa lagu eedeeyay xadiga ninkaan in uu mas’uul ka yahay dhaxal sugaha Sacuudiga maxamed Bin Salmaan.

Mr Cutaabi ayaa u cararay dalka Sacuudiga waxaana uu magan galyo siyaasadeed u tagay Qatar ka hor inta aanu degaanaasho ka helin dalka Norway.

Balse ciidanka amniga Qatar ayaa ku xidhay garoonka Xamad ee magaalada dooxa, xilli uu ku wajahnaa magaalada Oslo.

Afar maalmood kadib xadhiga ninkaan ayaa 24 May ee sanadkii 2017-dii gacanta loo galiyay dowlada Sacuudiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top