Connect with us

somalilandtoday.com

“Gobolka Awdal Doorasho Ku Gelimaayo 13 Xubnood…” Xildhibaanno Sheegay In Aanay Bulshadda Gobolka Awdal Iyo Salal Wax Doorasho Ah Galeyn Ilaa Laga Heshiiyo Saamiga Qaybsiga

focus

“Gobolka Awdal Doorasho Ku Gelimaayo 13 Xubnood…” Xildhibaanno Sheegay In Aanay Bulshadda Gobolka Awdal Iyo Salal Wax Doorasho Ah Galeyn Ilaa Laga Heshiiyo Saamiga Qaybsiga

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Abibakar Cabdiraxmaan Good iyo Xil Cabdilqaadir Jibriil Tukaale, kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda ee gobolka Awdal ayaa sheegay in aan bulshadda gobolka Awdal iyo Salal wax doorasho ah galeyn ilaa laga heshiiyo saamiga doorashadda.

Waxaaney sidan ka sheegeen shir-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta aqalka baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Abibakar Cabdiraxmaan Good ayuu yidhi xildhibaan Abibakar Cabdiraxmaan Good kana mida mudanayaasha gobolka Awdal “Gobolka Awdal doorasho ku gelimaayo saddex iyo toban xubnood, anaga wixii 60-kii lagu heshiiyay nama khuseyso ee hada in miiska leysugu yimaado oo laga wada heshiiyo ayaa na khuseysa, wax gobolka Awdala aqbalyo maaha, dadweynaha gobolka Awdala waxaan leeyahay, waar waa masiirkiini, waar waa mustaqbalkiini, iyadda oo 15-sandood wax lalaha in maanta wax leydinku shaanbadeeyo ma dooneyno, marnaba ha aqbalina in saamiga 13-ka ah aad ku gaashaan waa xaqiini xaqiina raadsadda”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top