Connect with us

somalilandtoday.com

Akhriso: War-Saxaafaddeed Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland

focus

Akhriso: War-Saxaafaddeed Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland

(SLT – Hargeysa) – War-saxaafaddeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ayaa la sheegay in lagaga hadlay saddex qodob oo hore guddi loogu saaray

WAR-SAXAAFADEED: 01 /08/2019
Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Warbiximo Lagaga Dhegeystay Guddi Hore Goluhu U Saaray.
Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi uu goluhu kalfadhigii aan caadiga ahayn ee isniintii todobaadkii hore loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimo la xidhiidha.

 Xidhiidhka beesha caalamka iyo Jamhuuriyada Somaliland.
 La macaamilka hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ah.
 Ganacsiga iyo maalgashadayaasha shisheeye.

Guddidaas oo warbixintooda goluhu bayaan ku soo saari doono kalfadhiyada danbe.
Sidoo kale golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland wuxu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay saami qaybsiga doorashada wakiillada, waxaanu goluhu isku raacay in wada tashi balaadhan lagala yeesho cida ay khusayso.
Ugu dambayn waxa goluhu bogaadinayaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ee dalku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, waxaana ka go’an xukuumada qabsoomida doorashada oo xiligeedii ku dhacda.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top