(SLT-Washington)-Agaasimihii hay’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, Dan Coats ayaa noqonaya qofkii ugu dambeeyay oo xil sare ka hayay maamulka Trump oo shaqada ka tagaya.
Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in Mr Coats uu shaqada ka tagayo bisha Agoosto, islamarkaasna uu shaqada ku bedelayo John Ratcliffe oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka, kana soo gala gobolka Texas.
Madaxweynaha ayaa ammaanay Mr Ratcliffe, sheegayna in uu dalka ugu adeegi doono si uu jacayl ku jiro.
Shaqada Mr Coats ayaa ahayd in uu ahaa madaxa guud ee hay’adaha sirdoonka Maraykanka ee 17-ka ah oo ay ka midyihiin CIA iyo NSA.
Balse intii uu xilka hayay ayaa warbixinada uu soo saaro waxaa mid ka duwan sheegi jiray madaxweynaha oo marar badan durey shaqada hay’adaha sirdoonka.
Ninkan ayaa ka mid ah kuwa badan oo siyaabo su’aalo dhaliyay isaga tagay maamulka Trump, waxaana kasii horeeyay xoghayihii difaaca James Mattis iyo kii arrimaha dibedda Rex Tillerson.
Warqadiisii is casilaadda ayuu ku sheegay in la gaaray xilligii uu horey u socon lahaa, furana lahaa baalka xiga ee noloshiisa. Trump iyo Coats ayaa isugu dhacay arrimaha la xidhiidha Fadeexadii farogalinta Ruushka iyo waliba arrimaha wada hadalada Kuuriya Waqooyi.
Mr Coats ayaa sannadkii hore sheegay in Madaxweyne Trump uusan waxbo oga sheegin kulankii uu la galay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ee uu albaabada u xirnaa, iyada oo uu dhaqanka yahay in madaxweyne kasta uu xog siiyo agaasimaha sirdoonka haddii uu la kulmo madaxweyne dal cadaw loo arko.
Waxa kale oo uu sheegay in haddii Trump uu kala tashan lahaa kulanka uu la yeeshay Putin, in uu talo ka siin lahaa qaabka kulanka, kaas oo ka duwan sidii uu ula kulmay.