Connect with us

somalilandtoday.com

Olole Lagu Beerayo 200 Milyan Oo Geed Maanta Ka Socda Itoobiya Iyo Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo Horkacaya

focus

Olole Lagu Beerayo 200 Milyan Oo Geed Maanta Ka Socda Itoobiya Iyo Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo Horkacaya

(SLT-Addis Ababa)-Guud ahaan dalka Itoobiya waxaa maanta ka socdaa olole ballaadhan oo lagu beerayo 200 milyan oo geed, waxaana howshaas garwadeen ka ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Abiy Axmed ayaa saaka geedo ku beeray garoonka diyaaradaha Arbaminch ee ku yaalla dalkaas.

Dadweynaha kala duwan ee Itoobiya ayaa maanta ka qeyb qaadanayaa beersita geedaha guud ahaan shacabka ku nool deegaannada kala duwan ee dalka.

Waxaana kamid ah goobahaas Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Dadweyne geedo ku beerayo Dowlad Deegaanka SoomaalidaImage caption: Dadweyne geedo ku beerayo Dowlad Deegaanka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu bilaabay ololaha wacyigelinta ah ee lagu ilaalinayo deegaanka si loo beero dhir badan.

Waxaa uu farriin u diray shacabka si ay dhammaantooda ugu qeyb qaataan la dagaalanka isbaddallada cimilada si loo beero geedo badan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top