Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxaan Aaminsanahay Inuu Ahaa Inqilaab Aan Dhiig Ku Daadan Oo Dhicisoobay…” Maayarka Burco Oo Ka Hadlay Xeerka Ismaamulka Gobollada Iyo Degmooyinka Iyo Arrintaa Kornayl Caarre

focus

“Waxaan Aaminsanahay Inuu Ahaa Inqilaab Aan Dhiig Ku Daadan Oo Dhicisoobay…” Maayarka Burco Oo Ka Hadlay Xeerka Ismaamulka Gobollada Iyo Degmooyinka Iyo Arrintaa Kornayl Caarre

(SLT-Hargeysa)-Maayarka Magaalada Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ayaa ka hadlay Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo dhawaan uu Golaha Wakiilladu ansixiyey isla-markaana degmooyinka qaarkood ka dhaliyey dibed-baxyo.

Maayarka oo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Wuxuu ahaa Arrin siyaasadaysan, wajal mudugaysan, waxaan tudhaale u lahayn Somaliland buu ahaa oo aan Maanta wadi karayn, waxaan aaminsanahay inuu ahaa inqilaab aan dhiig ku daadan oo dhicisoobay, Dadkii waxaa soo sameeyayna waxay ku talo-galeen in Timaha la is-qabsado oo meel kasta qaylo iyo buuq ka dhaco.”

Maayarku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu Dawladda ku hambalyeynayaa inay u aragto arrinka golaha Wakiillada lagu ansixiyey inuu Laf-jab ku yahay Qaranka Somaliland..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu dhaliilay Golaha Wakiillada “Maxay Somaliland u baahan tahay Maanta inay yidhaahdaan baan loo baahnaa, in hadalkoodii ay yidhaahdeen (Sababo) in Afarta koonaba laga qayliyo oo laga mudaharaado oo taayiro la gubo oo taana ay Baarlamaanku keeneen maanaan filaynin, markaa wuxuu ahaa in inqilaab loogu talo-galay in lagu waxyeeleeyo Dawlad ahaan.”

Maayarka Burco wuxuu farriin u diray Kornayl Caarre oo Shalay Jabhaddiisu la dagaalantay Ciidammada Qaranka ee Gobolka Sanaag “Siciidoow, waynu is garanaynaa oo Maxamed Muraad baan ahay, waxaan ku odhan lahaa yay kula fogaanin, halkaa aad maanta marayso yayna kaalla sii fogaanin, meel ka fog baa jirtee..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu bogaadin hawada u mariyey Madaxweyne Biixi oo uu sheegay inuu Xaaladda Sanaag si wanaagsan u maamulayo, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top