(SLT-Pakistan)-Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ayaa ku amartay dowlada Pakistaan inay u ogolaato qunsuliyada Hindiya inay la kulanto Kulbhushan Jadhav oo lagu helay in uu howlo basaasnimo ah u Joogay dalka Pakistaan.
Garsooraha Maxkamada ICJ Cabdiqawi Axmed Yusuf oo gaadhay xukunka Arbacadii shalay ayaa dhanka kale diiday dalab ka yimid Hindiya oo ahaa in meesha laga saaro xukunka ay Maxkamada millatari ee Pakistaan ku riday Jadhav.
Maxkamadda ayaa dhanka kale amartay in dib loo dhigo waqtiga xukunka dilka ah iyada oo ku saleysay in Pakistaan ay ku xadgudubtay xuquuqda ay u laheyd qunsuliyada Hindiya inay doodo Muwaadinkeeda.
Dhanka kale dowlada Pakistaan ayaa meesha ka saartay eeda ah inay diiday in ninkaan uu helo qareeno u dooda maadaama uu galay fal argagixiso oo ka dhan ah Jiritaanka Pakistaan.
Garsoori Cabdiqawi ayaa sheegay in sharciga heshiiskii Viena qodobka 36-aad ee xiriir wanaaga uu muujinayo in arintaan ay ku dabaqeen si loo wadahadlo ka hor inta aan xukunka la Gaarin.
ICJ ayaa sheegtay in diblumaasiyiinta Hindiya ay xaq u leeyihiin in xabsiga ay ku soo booqdaan Mr Jadhav.
Xukunkaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxaana uu u hanbalyeeyay Maxakamada ICJ kadib qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.
Dhanka kale wasaarada arimaha dibada ee Pakistaan ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay galabta sheegtay in Kulbhushan Jadhav oo ah sargaal ka tirsan milatariga Hindiya uu dalkooda ku soo galay isaga oo aan wadan ogolaanshaha dal ku Galka.
Pakistaan ayaa intaa raacisay in Jadhav uu watay aqoonsi been abuur ah oo ku qoran yahay magaca ah Xuseen Mubaarak Patel.
Xukuumada Islamabad ayaa intaa raacisay in la daweyn doono Jadhav oo dowlada Delhi ay sheegtay in uu xanuunsan yahay, balse uu xidhnaan Doono.
Kulbhushan Jadhav ayaa lagu eedeeyay in uu mas,uul ka ahaa weeraro dhiig badan ku daatay oo ka dhacay dalka Pakistaan, iyadoo natiijada laga dhaclay ay aheyd in uu agoon ka dhigay caruur aad u yar yar, halka sidoo kale ee carmalo ku noqdeen dumar Badan.
Sargaalkaan oo horay uga mid ahaa milatariga Hindiya ayaa bishii March ee sanadkii 2016-kii ciidanka amniga Pakistaan waxay ku xireen gobolka Balochistan.
Bishii April ee sanadkii 2017-dii ayaa maxkamad Millatari oo ku taal dalka Pakistaan waxay ku xukuntay dil toogasho, balse Hindiya ayaa dacwad u gudbisay maxkamada cadaalada ee ICJ waxaana ay xukunkaan ku sheegtay mid aan cadaalad Aheyn.