Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Ingariiska Oo Lagu Dhaliilay Midab-Takoorka Ay Ku Hayso Dadka U Dhashay Qaarada Afrika

focus

Dawladda Ingariiska Oo Lagu Dhaliilay Midab-Takoorka Ay Ku Hayso Dadka U Dhashay Qaarada Afrika

(SLT-London)-Dowlada Ingariiska ayaa lagu eedeeyay in ay midab-takoor ku heyso muwaadiniinta u dhashay qaarada Afrika ee doonaya inay siyaabo kala duwan ku tagan Ingiriiska.

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in wasaarada arrimaha gudaha UK ay sabab u tahay dhibaatada iyo midab kala sooca ay la kulmayaan dadyowga Afrika.

Waxyaabaha ugu weyn ayaa lagu sheegay warbixinta inay tahay dhanka dhaqaalaha iyo in aan xil la iska saarin codsiyadooda ay ku dalbanayaan Vissaha Uk.

Kate Anoloue oo ah guddoomiyaha magaalada Enfield ee dalka UK oo ka hadashay arintaan ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay habdhaqan wasaaradda arrimaha gudaha Ingariiska.

Ugu danbeyn warbixintaan ayaa lagu soo koobay in muwaadiniinta Afrika ay ku dhibtoodaan codsiga Visaha marka loo eegoo shacuubta kale ee ka soo jeeda dalalka kale ee Caalamka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top