Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxaanu Hudheellada BURCO Uga Digeynaa Hablaha Qaaqaawan Iyo Innamada Yaryar Ee……” Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland

focus

“Waxaanu Hudheellada BURCO Uga Digeynaa Hablaha Qaaqaawan Iyo Innamada Yaryar Ee……” Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland

(SLT-Burco)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Hudheellada magaalada Burco ku yaalla uga digtay in lagu qabto Bandhigyada laga tumo Miyuusiga isla-markaana ay ka qayb-galaan Dhallinyarada, sida Hablaha iyo Wiilasha.

Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Gobolka Togdheer Kayse Xaaji Diiriye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in haddii ay joojin waayaan hudheelladu Muusiga la dacwayn doono.

isku-duwaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Hudheellada uga digeynaa hablaha qaaqaawan iyo innamada yaryar ee madaxa fiiq-fiiqay ee Miyuusiga ku garaacanaya hudheellada” ayuu yidhi Kayse Xaaji Diiriye, Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Togdheere, waxaanu intaa ku daray “Hadday ka dayn waayaan, Fawaaxishkaa u adkaysan mayno oo waalla dacwaynayaa, waxay ka helaana way leeyihiin..”

Isku-duwuhu wuxuu ka warramay Waxyaabaha ay u xil-saaran tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, “Malcaamadaha iyo Masaajiddada ayaanu diwaangelinaa, Masaajiddadu way noo diwaangashan yihiin, waxaana hadda noo socda Malcaamadaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wasaaraddu waxay qabataa wax Alaale iyo wixii Fawaaxish ah, wacyi-gelin ayay samaysaa..”

Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-joojinta Somaliland ayaa hore Huteellada Magaalada Burco uga mabnuucay Aroosyada laga tumo Miyuusiga iyo bandhigyada Fanaaniintu ku qaban jireen, amarkaasi oo ay hirgeliyeen Ciidammada Amniga oo la shaqeeya Guddiga Wanaag-farista.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top