Connect with us

somalilandtoday.com

Maamulka Puntland Oo Kaantaroolka Laga Galo Garoowe U Soo Rarray Sool Iyo Saraakiisha Ciidammada Millateriga Somaliland Oo Digniin U Diray

focus

Maamulka Puntland Oo Kaantaroolka Laga Galo Garoowe U Soo Rarray Sool Iyo Saraakiisha Ciidammada Millateriga Somaliland Oo Digniin U Diray

(SLT-Laascaanood)-Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Kaantaroolka Laga galo Magaalada Garoowe u soo rarray Xuduudka Gobolka Sool, arrintaasina waxa ka cadhooday Ciidammada Millateriga ee Somaliland.

Saraakiil ka mid ah Ciidammada Qaranka oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta Kaantaroolka Garoowe ee la keenay Xuduudka Gobolka Sool iyo weliba dhul ballaadhsi ay Saraakiishu sheegeen in Puntland ka waddo deegaannada Bixin iyo Qol oo dhammaantood ka mid ah Gobolk Sool ee Somaliland.

Mid ka mid ah Saraakiisha la hadlay Saxaafadda ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Hartinimadu ma wax la isku dhacaa, waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. 3 Cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgalyadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga.”

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku hanjabay “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan…” ayuu yidhi.

Puntland ayaa sheegata Mulkiyadda Dhuleed ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Somaliland Maamusha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top