Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Go’aan Cusub Ka Soo Saaray Dhoofka Xoolaha Somaliland

focus

Sacuudiga Oo Go’aan Cusub Ka Soo Saaray Dhoofka Xoolaha Somaliland

(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa ku adkeysatay dalabkeeda ah in ganacsatada Somaliland ee doonaya inay xoolaha u dhoofiyaan dalkaas ay ruqsad kasoo qaataan dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka shiraacday Dekedda Berber oo ku xidhay magaalada Jidda, kaasi oo muddo la hayey kadib markii uu Sacuudiga tagay isaga oo ruqsad aan ka haysan dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa qaar ayaa faafisay in ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Soomaaliya ay ku lug in Markabkaas la sii daayo.

Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi.

Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan.

Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso.

Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee Soomaalida.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top