Connect with us

somalilandtoday.com

Agaasimaha Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Dhisme Tuhun Abuuray Oo Laga Bilaabay Khayriyada Hargeysa

focus

Agaasimaha Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Dhisme Tuhun Abuuray Oo Laga Bilaabay Khayriyada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay in la iibinayey Dhismihii khayriyada Hargeysa, kaasi oo lagu deyray Jiingado isla-markaana dhisme laga bilaabay.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile iyo Maayar ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo si wada-jir ah Warbaahinta ula hadlay Maanta ayaa sheegay inaan la iibin dhismaha Khayriyada, balse laga dhisayo Guri dhowr dabaq ah, kaasi oo loogu talo-galay inuu noqdo Mad-xaf lagu kaydinayo Taariikhda kala duwan ee Somaliland.

Dhowrkii Maalmood ee u dambeeyay ayaa Baraha Bulshada dhex wareegayey Warar kala duwan, kuwaasi oo qaarkood sheegayeen in khayriyada badhtamaha Hargeysa laga iibiyey Ganacsade.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top