Connect with us

somalilandtoday.com

Safiirka Soomaaliya Ee Itoobiya Oo La Kulmay Ugaas Reer Somaliland Ah

focus

Safiirka Soomaaliya Ee Itoobiya Oo La Kulmay Ugaas Reer Somaliland Ah

(SLT-Addis Ababa)-Danjiraha Somalia u fadhiya Dalka Itoobiya Cabdixakiim camey ayaa 10-July-2019-kii magaalada Addis Ababa qado sharaf ugu sameeyay Ugaaska guud ee Beelaha Gedobuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi iyo Maxamed Cabdillaahi Obsiiyo wasiirkii shaqada ee xukuumaddii Siilaanyo.

Waxa ay ka wada hadleen xaaladaha Somalia maanta marayso iyo midnimada Somalia.

Waxa Fadhiga iyo qadadaba ku weheliyey wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Federaalka ee Ethiopia Saxarla Cabdillaahi Xaaji Bahdoon iyo Ex wasiir Maxamed C.laahi Obsiiyo, Odayaal, Qurbojoog iyo dhalinyarro.

Danjire Camay oo ka soo jeeda gobolka Sool waa madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland mana cadda qorshaha uu ula kulmay siyaasiyiintan iyo madaxdhaqameedka reer Awdal

Xigasho: Xoghayaha Ugaaska

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top