Connect with us

somalilandtoday.com

“Nin Masaajid Lagu Dhex Dilay Iyo Haweenay Baas La Mariyay ” Dilal Oo Ku Soo Badanaya Magaalada Hargeysa Iyo Laba Dhacdo Oo Aad U Naxdin Badan Oo Xalay Iyo Habeen Hore Ka Kala Dhacay

focus

“Nin Masaajid Lagu Dhex Dilay Iyo Haweenay Baas La Mariyay ” Dilal Oo Ku Soo Badanaya Magaalada Hargeysa Iyo Laba Dhacdo Oo Aad U Naxdin Badan Oo Xalay Iyo Habeen Hore Ka Kala Dhacay

(SLT-Hargeysa)-Dilalka shaqsiga ah ee ay isku gaysanayaan dadka shacabka ahi ayaa ku soo badanaya Magaalada Hargeysa waxaana Xalay iyo habeen hore ka kala dhacay laba arimood oo aad u naxdin badan.

Alle ha unaxariistee Nin magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan Jasiira ayaa meydkiisa laga dhex qaaday habeen hore masaajid kuyaala Dhakhtarka weyn ee Hargeysa dabadiisa oo layidhaa “Shamsudiin” kaasi oo loo xidh xidhay dadkii masaajidkaasi ku sugnaa, waxaanu meydka Ninkaasi illaa Shalay yaalay Qolka Meydka Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa.

Alle ha unaxariistee sheekhan ayaa waxa uu hore imaam uga ahaan jiray Masaajidkaasi, waxaanay dad aqoon ulahaa noo sheegeen in xannuun loo malanayo dhinaca maskaxdu uu ku dhacay, kaasi oo uu muddo uga maqnaa Masaajidka.

Dadka masaajidka masuuliyeedada hadda hayay oo la sheegay inay ehel ahaayeen Marxuumkan dhintay ayaa sida warkani hadda nagu soo gaadhay waxa doraad u yimid ninkan oo aad u kacsan, waxaana isku dayeen inay dejiyaan xaaladiisa. Waxay ku xidh xidheen xadhko la sheegay in loo malaynayo inay sababeen geeridiisa. Waxa baadhis ku haya meydka Marxuumkan Hay’addaha Amniga Somaliland, waxaana xabsiga lagu wada guray dadkii habeen hore masaajidka ku sugnaa oo ay kujiraan imaamkii iyo mu’adinkii Masaajidkaasi.

Dhinaca kale, Alle ha naxariistee hooyo kolay jaad ku haysatay jidka u dhexeeya Isgoyska Xero Awr iyo Idaacadda Hargeysa ayaa iyadoo meheradeeda ku sugan uu baas mariyay nin hubaysnaa. Wararka aanu ka helayo ayaa sheegaya in ninka toogtay ay walaalo yihiin, iyadoo warar is khilaafsani kasoo baxayaan. Alle ha unaxariistee Meydka Marxuumaddan ayaa yaala Qolka Meyka Cisbitaalka Hargeysa waxaanna gacanta ku haya oo baadhaya sababta dilkeeda Hay’addaha Amniga Somaliland

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top