Connect with us

somalilandtoday.com

“Dariiq Kasta Oo Aynu U Marayno Aqoonsigeena Weynu U Maraynaa, Albaab Kastana Weynu U Garaacayna…” Wasiir Faratoon

focus

“Dariiq Kasta Oo Aynu U Marayno Aqoonsigeena Weynu U Maraynaa, Albaab Kastana Weynu U Garaacayna…” Wasiir Faratoon

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in xidhiidhka ay la yeelanayaan Wadamada kale ee Caalamka in aanay u daba fadhiisan doonin uguna amar qaadan doonin Dawladda Somaliya, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay Somaliland aqoonsi buuxa siiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Somaliland iyo Xidhiidhka Caalamka ayaa yidhi “Socdaalkii aynu dhawaan ku tagnay dalka Gini, waa mid ka mid ah dadaalkeen aynu ku xoojinayno haddana Wadankan xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya weyna ka garaabeen qadiyadeena, xidhiidh aad u fiicana hadda weynu leenahay, Wadamada kale Afrika sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenyana xidhiidh aad u fiican baynu leenahay, Wadan kasta oo Afrika ah iyo Wadan kasta oo ka mida ah Wadamada kale ee Caalamkana waxaanu jecel nahay inaynu la yeelano xidhiidh,Dawladda Somaliya waxaa u quman inay dib iskugu noqoto, maxaa yeelay Somaliland ma xukunto, Wadamada aanu tagaynana uguma amar qaadanayno umana daba fadhiisanayno”.

Wasiir Faratoon mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo aqoonsiga ayaa yidhi “Somaliland maanta oo qudha Ictiraaf uma baahna, ee tan iyo markii aynu xoriyadeena dib ula soo noqoay 1991, xaq baynu u leehayn in la ina aqoonsado, dariiq kasta oo aynu u marayno aqoonsigeena weynu u maraynaa, albaab kastana weynu u garaacayna, Caalamka waxaa la gudboon inay aqoonsi buuxa ina siyaan,maxaa yeelay shuruud kasta oo looga baahan yahay dal madax banaan weynu buuxinay, Xukuumad ahaana waanu wadnaa dadaalka aqoonsi raadinta, ee Shacabkeena meel kasta oo ay joogaan waxaa la gudboon inay qaranimadooda ilaashadan”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top