Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Maraykan Oo Lagu Dilay Afganistan

focus

Askari Maraykan Oo Lagu Dilay Afganistan

(SLT-Washington)-Qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka Isbahaysiga NATO ee ku sugan dalka Afganistan ayaa lagu sheegay in askari u dhashay Maraykanka maanta lagu dilay gudaha dalkaasi.

Wax faahfaahin dheeraad ah lama bixinin qaabka uu u dhacay iyo goobta uu ka dhacay dilkaasi, waxaana la qariyey magaca askariga ilaa laga wargelinayo qoyskiisa.

Toogashadda askarigaasi waxay tirada Askarta Maraykanka ee Afganistan lagu dilay sannadkan ka dhigtay ugu yaraan 7 Askari.

20,000 oo Askari shisheeye ah oo badankooda Maraykan ah ayaa ku sugan dalka Afganistan, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Maraykanak ee Isbahaysiga NATO ee Tababarka, Taageerida iyo Talinta siiya Ciiddanka Dowladda Afganistan.

Qaar ka mid ah Millateriga Maraykanka waxay qaadaan Hawlgalladda ka dhanka ah Kooxaha Daalibaan iyo Daacish ee ka hawlgala Afganistan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top