Connect with us

somalilandtoday.com

Shixnadii Ugu Horraysay Ee Hubka Turkigu Ka Soo Iibsaday Ruushka Oo Soo Gaadhay Magaaladda Ankara

focus

Shixnadii Ugu Horraysay Ee Hubka Turkigu Ka Soo Iibsaday Ruushka Oo Soo Gaadhay Magaaladda Ankara

(SLT-Ankara)-Shixnadii ugu horaysay ee gantaalada Difaaca ee dalka Ruushku uu ka iibiyey dalka Turkiga ayaa gaadhay dalkaasi, sida uu sheegay Wasiirka difaaca ee dalka Turkiga.

Wasiirka dufaaca dalka Turkiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta oo jimce ah ku sheegay in Qalabkii ugu horeeyey ee lagu casriyeynayey hanaanka difaaca uu soo gaadhay saldhiga ciidamada cirka ee Murted oo ku yaala magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Waxaanu intaasi ku daray in sidoo kale ay dalkaasi soo gaadhi doonaan maalmaha soo socda qaybaha hadhay ee hubkan difaaca cirka ee dalka Turkigu uu ka iibsaday dalka Ruushka.

Hubkan dalka Turkigu uu ka iibsaday dalka Ruushka ayaa xiisad ka dhex abuuray dalka Maraykanka iyo Turkiga, kaas oo dalka Maraykanku aanu jeclaysan talaabada ay qaaday dawlada Turkigu maadaama oo ay ka wadatirsan yihiin isbahaysiga NATO.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top