Marka ay timaaddo arrimaha amni darrada, xisbiga Amxaarada waxaa uu ku eedeeyaa inay lug ku leeyihiin xisbiga Tigreega.
“Waa ay na garab istaagi lahaayeen xilligii aan dhibaatada ku jirnay, xisbiga TPLF ma baddali doono siyaasadihiisa musuqa ah” ayaa lagu yidhi qoraal xisbiga ADP uu kusoo qoray Facebook.
Khilaafkan soo kala dhexgalay saraakiisha ka tirsan isbaheysiga ka arrimiyo Itoobiya ayaa waxaa uu halis ku yahay midnimada iyo wadashaqeynta xisbigaas, sida uu BBC u sheegay qof falanqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya.