Connect with us

somalilandtoday.com

Mudaharaad Rabshado Wata Oo Lagaga Soo Horjeedo Dagaalka U Dhexeya Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Kornayl Caarre Oo Oo Ka Socda Magaalada Ceerigaabo +SAWIRR

focus

Mudaharaad Rabshado Wata Oo Lagaga Soo Horjeedo Dagaalka U Dhexeya Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Kornayl Caarre Oo Oo Ka Socda Magaalada Ceerigaabo +SAWIRR

(SLT-Ceerigaabo)-Mudaharaad Rabshado wata ayaa ka socda wadooyinka magaalada Ceergaabo, kaas oo lagaga soo horjeedo dagaalaka u dhexeya Ciidanka qaranka Somaliland iyo ciidammo ka amar qaata kornayl Caarre oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa degaanada Dhoob, Higlo iyo biyacas.

Rasaas fara badan ayaa laga maqli suuqyada magaalada, dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay in ciidanka Somaliland ridayaan si ay dadka dibad baxa wada ugu kala kaxeeyaan.

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ayaan weli cadayn in kasta oo la shageya in uu jiro khasaare labada dhinacba ah.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Jabhada Caarre ay ka soo guurtay Degaanka Qardho una koloyeystay sidii ay saldhigyo uga samaysan lahayd dhanka buuraha gobolka Sanaag.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top