Connect with us

somalilandtoday.com

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Culus Oo Dhex-maray Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Jabhada Kornayl Caarre + Wararkii Ugu Dambeeyay

focus

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Culus Oo Dhex-maray Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Jabhada Kornayl Caarre + Wararkii Ugu Dambeeyay

(SLT-Burco)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo ku dhex maray meel 45Km Bari kaga toosan Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag Jabhaddii Kornayl Caarre iyo Ciidan ka tirsan Kuwa Qaranka Somaliland.

Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in dagaalkaasi oo wakhti badan socday khasaare baahsan la gaadhsiiyay jabhaddii kornayl caarre, Wararka qaar ayaa sheegay gaadiid illa saddex ka kooban oo laga qabsaday iyo maxaabiis illaa 15 tiradooda lagu sheegay waxaana wararki ugu dambeeyay na soo gaadhay uu sheegayaa in jahbadaasi kala firdhatay islamarkaana ay ku raadjoogaan Ciidamada Qaranku.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in uu dagaalka ku dhintay askari ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland.

Jahaddan ayaa sida la sheegay markii ay dagaalka ka gaashay deegaanka Karamaan oo beelo walaalo ahi isku dileen aanay dib ugu noqon halkii ay kasoo ruqaansatay ee Qardho ee maamulka Puntland oo ay fadhiisin ku lahayeen waxanay iskugu dayeen inay fadhiisimo ka samaystaan buuralayda Ceerigaabo bari kaga toosan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top