Connect with us

somalilandtoday.com

Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag Oo Saaka Bandoo Lagu Soo Rogay Iyo Ciidamo Badan Oo Lagu Daad Gureeyay.

focus

Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag Oo Saaka Bandoo Lagu Soo Rogay Iyo Ciidamo Badan Oo Lagu Daad Gureeyay.

(SLT-Hargeysa)-Abaaro 7-Subaxnimo ee saaka ayaa bandoo lagu soo rogay Magaalooyin ay ka mid tahay Ceel Afweyn Waxaana gabi ahaanba lagu daadiyay Ciidamo hub iyo tikniko ku gaashaaman.

Dad ku sugan Magaalada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa noo xaqiijiyay bandooda waxaana ay noo sheegeen in la joojiyay dhaqaaqii gaadiidka iyo dadka iyadoo sidoo kalena ay ciidan wadaa baadhitaan xoogleh.

Arrintan ayaa daba socota dagaal dhiig badani ku daatay oo labadii maalmood ee u dambeeyay deegamaasi ku dhex maray maleeshiyo hubaysan oo ka kala tirsan beelo walaalo ah oo deegaamaasi wada dega.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top