Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Ingiriiska Oo Billaabay Baadhitaanka Gabadh Soomaali Ah Oo Ku Geeriyootay Magaalada Manchester

focus

Booliska Ingiriiska Oo Billaabay Baadhitaanka Gabadh Soomaali Ah Oo Ku Geeriyootay Magaalada Manchester

(SLT- Manchester)-Booliska Ingiriiska ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay baadhayaan sida ay u geeriyootay gabadh yar oo Soomaali ah oo sannad ka hor tagtay dalkaas, waxaana khamiistii toddobaadkii hore meydkeeda laga helay wabi ku yaalla degmada Bury ee magaalada Manchester.

Shukri Cabdi, oo 14 jir ahayd ayaa geerideeda aad looga naxay, waxaana waalidkeed ay soo bandhigeen shakiga ay ka qabaan in ayna gabadhooda ku dhicin wabiga balse lagu riday.

Booliska ayaa sheegay in aanay jirin arrintaa, waxaana billowgii horaba ay muujiyeen sida ay uga cagajiidayaan baadhitaano lagu sameeyo kiiska, balse cadaadis kaga yimid bulshada ayaa qasbay in booliska uu shaaca ka qaado baadhitaano dheeraad ah oo lagu sameynayo geerida gabadha yar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top