Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramada Midoobay Oo Ugu Baaqday Somaliland Iyo Puntland Inay Wada-Hadlaan

focus

Qaramada Midoobay Oo Ugu Baaqday Somaliland Iyo Puntland Inay Wada-Hadlaan

(SLT-Garoowe)-Qaramada Midoobay ayaa Somaliland iyo Puntland ugu baaqday inay ka wada-hadlaan Muranka u dhexeeya.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan oo Shalay Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland ayaa soo jeediyey in Somaliland iyo Puntland ay ka wada-hadlaan Xurgufta dhex taalla.

“Hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Somaliland, waxaan ka codsanaynaa geeddi socod nabad ah oo ku aaddan murankooda..” ayuu yidhi, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe, waxaanu sheegay inay Muranka Puntland ee ku aaddan Mulkiyadda Gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland isla soo hadal-qaadeen Madaxweynaha Puntland.

Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay degmada Tuke-raq oo ka mid ah Dhulka gobolka Sool.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top