Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Carabta Oo La Baxaya Ciidammadiisa Ku Sugan Dalka Yemen

focus

Imaaraadka Carabta Oo La Baxaya Ciidammadiisa Ku Sugan Dalka Yemen

(SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka carabta ayaa sheegtay inay dhimi doonto ciidankeeda ku sugan dalka Yemen oo qeybta ka ah isbaheysiga u hoggaaminayo Sacuudiga.

Saraakiil ka tirsan Imaaraadka ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidankooda ay la baxayaan maadama Yemen ay u joogaan kaliya nabad Ilaalin ayna hadda soo hageegeyso xaalada Amni.

Sababaha aan u joogno Yemen waa in aan sugnaa amniga goobaha Muhiimka ah sida magaalada xeebta ah ee Xudeydah iyo xarumaha dowlada.

Si kastaba ha ahaatee lama oga sababta ka dambeysa in Imaaraadka uu dhimo Ciidankiisa ka jooga Yemen ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top