(SLT-Hargeysa)-Dagaal mar kale ka qarxay Axadii deegaanada Ceel-afweyn ayaa sababay dhimashada sagaal ruux iyo daawaca toban kale, dagaalka ayaa ka dhex qarxay laba beelood oo hore deegaanadaas ugu dagaalami jiray waxaana toddoba qof oo dhimasho ah iyo toban dhaawac ah ay ka soo jeedaan hal beel halka beesha kale hal qof oo ka dhintay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa
laanta afka Soomaaliga ee VOA u xaqiijiyay in labada beelood ee dagaalamay
midkood istimaashay gaadiidka tignikada ee dagaalka oo ay ku muquunisay beesha dadka badan ay ka
dhinteen.
Qaar ka mid ah salaadiinta
beelahan ayaa ku baaqay in colaadda la joojiyo iyagoo dagaalka
cambaareeyay.
Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo u waramay Geeska Afrika ayaan ayaan darro ku tilmaamay dagaalkaas, waxaanu yidhi “Waa ayaan daro waa masuuliyad daro iyo fool xumo weyn in mar kale colaadi ka dhex dhacdo Beelaha Walaalaha, Umadda Somaliland oo cid kasta leh ayaa u gurmatay sidii loo heshiisiin lahaa Beelahan wada degan, runtii maaha Beelo kala fog, ee waa Beelo is ah, oo isku waalid ah, walaalo ah, isku abtiya, oo is dhalay, wada dhashayna,markaas waxaanu leenahay beelahan yaan quus la idinka istaagin, ee habaar iyo inkaar umadda ha ka shaqeeysanina, ee dagaalka iyo dhiiga daadanaya joojiya, oo ALLE ka cabsada.”
Boqor Faysal Cismaan oo isna
u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa yidhi “ Waan ka xumahay in
dadkaasi uu dagaalkoodu uu marwalba soo noqnoqdo oo maalin walba ay cidi ku
dhimato cidna ku dhaawacanto oo xabadu istaagi waydo oo daris xumadu ay
dhabaqdo aad ayaan uga xumahay waxaanan dareemayaa qof kasta oo muslim ah aad ayuu
uga xun yahay, cida xabada biloday kama warami karo goob joogna maan ahayn si
kasta oo ay tahay ilaa gabalku uu dhacay xabadaasi may istaagin, ciidamo kala
qabtay iyo ciidamo dhexgalay iyo ciidamo kala joojiyay ma jiraan, dadka halkaas
ku dhintay sida ay u badantahay toban qof waa dhaawac sagaalna waa dhimasho
labada dhinacba, wax mudan ee layaab leh in qabiil inaga mid ah oo tigniko
gudihiisa ku haysta oo xukuumadu ogtahay oo badhasaabku sheegay oo aanay
xukuumadu soo qaban in dadkaas lagu weeraray, waxaan ku talin ahaa marka ugu
horaysa ciidamadu waa inay magaca ciidan ee ay sitaan amar ku filan oo ay wax
ku qaban karaan ay helaan isla markaasna aanay dawladu cidna ka ogolaan inay
tigniko wadanka gudihiisa ay ku haysato qoryo ay ugu rakiban yihiin oo ay marka
ay doonto la soo baxdo.”
Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhankiisa sheegay in loo talinaayo inta nool, dagaalkaasuna uu yahay mid socda “Warka aanu haynaa waxa weeye dagaalku wali waa uu socdaa mar haddii aanay cidi kala dhex galin habeenkii ayuunbaa ka dumay ee dagaalku waa uu socdaa, inta dhimatay muhiim maaha waxa muhiim ah waar inta nool maxaynu ka yeelnaa? Arintaasna muddo dheer ayaa soo jirtay, gudidii nabadgalyadu waa ay joogtaa madaxweynuuna waa uu sugayaa, aniguna waan ku biirayaa.”
Saxafi ku sugan magaalada
Ceerigaabo ayaa Geeska Afrika xalay u sheegay in shalay duhurkii uu dagaal
koobani ka dhacay deegaanadaas oo ay ku dhinteen dhawr ruux oo kale.
Geesta kalena waxa la
sheegayaa inay halkaas gaadheen ciidamo ka tirsan ciidanka qaranka si ay u kala
dhex galaan labadaas beelood ee walaalaha ah.