Connect with us

somalilandtoday.com

Millatariga iyo Isbahaysiga Mucaraadka Suudaan Oo Heshiis Gaadhay

focus

Millatariga iyo Isbahaysiga Mucaraadka Suudaan Oo Heshiis Gaadhay

(SLT-Khartoum)-Golaha millateriga Sudaan iyo isbahaysiga Mucaraadka ayaa ku heshiiyay inay wadaagaan awooda inta laga qabanayo doorasho.

Labada dhinaca ayaa ku heshiiyay in la dhiso xukuumada wadaag oo maamulka sare ee xukumayaana uu noqdo mid wareegah, ugu yaraan muddo saddex sanno. Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baadhitaan madax banaan lagu sameeyo dadkii tirada badnaa ee lagu dilay intii ay socdeen banaanbaxyadu.

Heshiiskan ugu dambeeyay waxaa si ballaadhan u soo dhaweeyay banaanbaxayaasha dalbanayay in golaha millateriga uu xukunka ku wareejiyo dowladda rayid ah.

Rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay wadankaasi ayaa waxaa ku dhintay 7 qof, halka 181 qof ay dhaawacyo soo gaadheen

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top