Connect with us

somalilandtoday.com

Mudaharaad Lagaga Soo Hor-jeeda Rasaas Ay Xalay Is-waydaarsadeen Laba Beelood Oo Hore Dagaalo U Dhex-mareen Oo Ka Socda Ceel-afweyn

focus

Mudaharaad Lagaga Soo Hor-jeeda Rasaas Ay Xalay Is-waydaarsadeen Laba Beelood Oo Hore Dagaalo U Dhex-mareen Oo Ka Socda Ceel-afweyn

(SLT-Ceel-afweyn)-Mudaharaad Salmi ah ayaa goordhawayd ka bilaamay gudaha Degmadda Ceel-Afweyn Waxaana Mudaharaadkaa dhigay Haweenka Ku Dhaqan Degmadaas.

Haweenka ayaa ka soo hor-Jeestay rasaas xalay ka dhacaysay gudaha Degmadda Ceel-Afweyn taas oo ay is waydaarsaneey labadii Beelood ee hore halkaa Dagaalku Ku Dhex-maray.


Illa hadda ma cadda in wax khasaare ah ka dhashay rasaastan xalay laga maqlayay deegaanka Ceel-afweyn oo hore dagaal dad badan ku dhinteen uu ugu dhex-maray laba beelood oo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi.


Xukuumadda Somaliland, hay’adda amniga iyo maamulka degmadu wali kama hadal arrintan

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top