Connect with us

somalilandtoday.com

Marxuum Xildhibaan Nuur Cabdilaahi Beegsi (Cawl) Oo Aas Qaran Loo Sameeyey Magaalada Hargeysa.

focus

Marxuum Xildhibaan Nuur Cabdilaahi Beegsi (Cawl) Oo Aas Qaran Loo Sameeyey Magaalada Hargeysa.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha deegaanka gaar ahaan golaha deegaanka gobolka saaxil, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Nuur Cabdilaahi Beegsi (Cawl) oo ku geeriyooday dalka Malaysiya 01-07-2019, maanta oo ay taariikhdu tahay 03-07-2019, aas qaran loogu sameeyey xabaalaha Baqiic ee waqooyiga Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey marxuumka ayaa ku sifeeyey inuu ahaa oday qaranka ka baxay door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa xildhibaanada golaha deegaanka ee berbera, sidoo kalena ahaa odayaasha iyo ganacsatada dalka.

Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha deegaanka ee gobolka saaxil, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top