Connect with us

somalilandtoday.com

RUUSHKA: Afar Iyo Toban Badd-maax Oo Ku Dhintay Markab Gujis Ah

focus

RUUSHKA: Afar Iyo Toban Badd-maax Oo Ku Dhintay Markab Gujis Ah

(SLT-Moscow)-Afar iyo toban Badd-maax oo saarnaa markab milatari oo ah nooca gujiska loo yaqaano ee biyaha hoostooda mara ayaa ku dhintay markii ay ku neefqabatoobeen dab ka kacay markabkaasi.

Markabkan Gujiska ah ayaa gunta hoose ee badda ka waday cilmibaadhis biyaha dalka Ruushka, waxaanu sababay dabkaasi in ay dhintaan 14-ka badd-maax ,sida uu sheegay Wasiirka difaacada ee dalka Ruushka oo u waramay wakaalada wararka ee dalkaasi.

Waxaanu tilmaamay in durtaba ay bilaabeen baadhitaano ku saabsan sababtii dhalisay dabkaasi, “Dabku waxa uu bilaabmay xili ay cilmibaadhis ay ka samaynayeen badda hoosteeda” ayuu yidhi Wasiirka difaaca ee dalka Ruushka, Mr Sergei Shoigu.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top