Connect with us

somalilandtoday.com

Qof Kasoo Dhacay Diyaarada Kenya Airways Oo Meydkiisa Laga Helay London

focus

Qof Kasoo Dhacay Diyaarada Kenya Airways Oo Meydkiisa Laga Helay London

(SLT-London)-Meydka qof laga shakisan yahay inuu kasoo dhacay diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ku degi rabtay garoonka Heathrow ayaa laga helay beer yar oo ku taalla London.

Meydka oo loo badinayo inuu yahay nin ayaa gelinkii dambe ee Axada laga helay beer yar oo ku taal deegaanka Clapham, koonfur galbeed London.

Waxaa la rumaysan yahay inuu isku soo qariyay qeybta taayarka diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Nairobi, iyadoo qeybtaasi laga helay boorso, biyo iyo cunno.

Qof goobjoog ahaa ayaa sheegtay in meydka uu kusoo dhacay meel aad ugu dhaw goob uu ku nasanayay qof ku sugnaa beerta.

Booliska Metropolitan ayaa sheegay in baadhitaan lagu samayn doono meydka, isla markaana aanu jirin wax tuhun ah oo laga qabo geerida qofkaasi.

Shirkadda Kenya Airways ayaa sheegtay in baadhitaan lagu sameeyay diyaaraddaasi, wax dhibaato ahna aan lagu arkin.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay inay xidhiidh dhaw la sameeyeen saraakiisha Nairobi iyo London si looga sal gaadho meydkaasi diyaaradda kasoo dhacay.

Ma aha markii ugu horreysay oo lagu arko meyd diyaarad kasoo dhacay meel u dhaw garoonka Heathrow.

Bishii June 2015, meydka nin kusoo dhuuntay diyaarad ay leedahay British Airways ayaa laga helay deegaanka Richmond, halka mid kale oo ay isla socdeen la helay isagoo xaaladdiisu liidato.

Bishii August 2012, nin ayaa meydkiisa laga helay qeybta xamuulka ee diyaarad kasoo duushay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, kana soo degtay garoonka Heathrow.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top