Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlada Myanmar Oo Sheegtay Inay Dib U Soo Celin Doonto Qaxootiga Rohingya Ee Ku Sugan Bangladesh

focus

Dowlada Myanmar Oo Sheegtay Inay Dib U Soo Celin Doonto Qaxootiga Rohingya Ee Ku Sugan Bangladesh

(SLT-Myanmar)-Dowlada Myanmar ayaa shaaca ka qaaday in wafdi ay u direyso qaxootiga Rohingya ee ku sugan xeryaha ku yaal dalka Bangladesh kuwaasi oo baqdin ka muujinaya in ay dalkooda ay dib ugu soo laabaan.

Qaxootigaan ayaa sanadkii 2017-da uga barakacay gobolka Rakhine kadib markii tacadiyo ay u geesteen ciidanka Milatariga iyo Isir naceyb ka dhan ah Muslimiinta.

Safiirka qaramada midoobay u qaabilsan Myanmar Hau Do Suan ayaa isniinta shalay u sheegay golaha amniga in dowladiisa ay wafdi u diri doonto dhamaadka bishan Luuliyo dalka Bangladesh.

Hau Do ayaa intaa raaciyay in 30,000 oo qaxooti ah ay codsadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda ayna xilli kasta ku soo guryo noqon karaan gobolka Rakhine.

Dhanka kale wakiilka qaramada midoobay u fadhiya Myanmar Christine Schraner-Burgener ayaa dhaliishay qaabka ay u socoto dib u laabashada Qaxootiga.

Waxay sheegtay in kaliya wadada ay ku laaban karaan qaxootiga Rohingya ay tahay in ay helaan dhowritaanka sharafta iyo Dhiigooda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top