Connect with us

somalilandtoday.com

Mucaaradka Liibiya Oo Sii Daayay Muwaadiniin U Dhashay Dalka Turkiga

focus

Mucaaradka Liibiya Oo Sii Daayay Muwaadiniin U Dhashay Dalka Turkiga

(SLT-Istanbul)-Maleeshiyada uu hoggaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ee ku sugan bariga Liibiya ayaa sii daayay lix muwaadin oo u dhashay Turkiga, sida laga soo xigtay wasaarada arimaha dibadda Turkiga.

Sii deynta maxaabiistan ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii dowlada Turkiga ay ku hanjabtay inay gacanta ula tagi doonto maleeshiyada ku sugan magaalada Bengazi kuwaasi oo maalmo ka hor lagu amray inay beegsadaan danaha Turkiga ee dalka Liibiya.

Dhamaan ragga la sii daayay ayaa ka dhoofay madaarka Sidr ku yaalla koonfurta magaalada Benghazi waxaana ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.

Shaqaalahaan ayaa markii hore ka shaqeynayay markab uu leeyahay muwaadin u dhashay dalka Liibiya.

Muwaadiniinta u dhashay Turkiga ayaa markii hore uu ku eedeyay Jenaraal Khaliifa Haftar inay yihiin ciidan taageero u ah dowlada Liibiya, balse waxaa arintaan beeniyay wasaarada difaaca Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa mudo 72 saac ah u qabtay in lagu sii daayo muwaadiniintaan haddii kale ay beegsan doonaan xarumaha millatari oo ay ku sugan yihiin mucaaradka Liibiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top