Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Israa’iil Oo Xabsiga Ka Sii Daayay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Falastiin

focus

Booliska Israa’iil Oo Xabsiga Ka Sii Daayay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Falastiin

(SLT-Quduz)-Booliska Israa’iil ayaa sii daayay wasiirka dowlada Falastiin u qaabilsan Arimaha Jerusalam Fadi Al-Hadami.

Wasiirka ayaa shalay waxa hoygiisa kala baxay ciidanka amniga sida uu xaqiijiyay afhayeenka booliska Israa’iil Micky Rosenfeld.

Micky ayaa intaa raaciyay in su’aalo laga weydiiyay eedo loo heestay oo aanu shaacin waxa ay yihiin.

Wakaalada wararka ee Wafa ayaa sheegtay in xadhiga Fadi Al-Hadami uu noqonayo mas’uulkii ugu horeeyay oo darajo heerkaan oo Israa’iil xidhato tan iyo markii ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Balse ilo ku dhow wasiirka ayaa sheegay in xadhigaan loo aaneynayo kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Chile Sebastian Pinera oo booqday masaajidka Al-Aqsaa ee ku yaalla magaalada Qudus.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top