(SLT-Moscow)-Ruushka iyo Shiinaha ayaa wax ay goosteen iney ka kaaftoomaan lacagta Mareykan, ganacsiga dhexdooda ah oo ay wax kala iibsiga u adeegsan doonaan lacagtooda gaar ah, waa sida ku qoran heshiiska ay labada xukuumadood dhawaan ku heshiiyeen.
Sida uu qoray wargeyska Izvestia heshiiskan dhanka Ruushka waxaa ku saxiixan wasiirka Maaliyadda, Anton Siluanov, halka dhanka Shiinaha uu u saxiixay madaxa bankiga dhexe ee Yi Hang.
Jariidadu waxey sheegtay, iyadoo soo xiganeysa mas’uul sare oo dalka Ruushka ka soo jeeda, in heshiiskan ay labada dhinac saxiixeen bilowgii bishan aan ku jirno, waxaana la sheegay in tallaabadan looga golleeyahay adkeynta ammaanka dhaqaalaha ee labada waddan.
wargeyska Izvestia waxa uu intaa sii raaciyey, in labada dhinac ay ka shaqeynayaan tallaabooyinkii ay shirkadaha labada waddan ugu riixi lahaayeen in lacagaha maxalliga ah ay u adeegsadaan wax kala iibsiga.
Tallaabadan ayaa istiraatiijada fog ee laga leeyahay ay tahay in dhaqaalaha labada waddan iyo qiimaha lacagtooda kor loogu qaado.
Isdhaafsiga ganacsi ee labada waddan ayaa waxa uu gaadhay 100-bilyan oo dollar, waxaa ka mid ah 56 bilayan oo dollar oo ah badeecadda ay Ruushku u iibgeeyaan dalka Shiinaha, halka Shiinuhu dhankiisa uu 52 bilyan oo dollar oo badeecad ah uu u iibgeeyo Ruushka.