Connect with us

somalilandtoday.com

Idaacad Cusub Oo Kharat Ah Oo Laga Hirgaliyay Gudaha Somaliland +Mooganaanta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

focus

Idaacad Cusub Oo Kharat Ah Oo Laga Hirgaliyay Gudaha Somaliland +Mooganaanta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

(SLT-Hargeysa)-Toddobaadadii ugu dambeeyay waxaa si xooggan loo maqlayay idaacad kale oo laga hirgaliyay guddaha Somaliland, taas oo baahinaysa warar lidi ku ah qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland.

Idaacadan ayaa ah Fm waxaanay taalaa magaalada Badhan iyadoo si toos ah ugu xidhiidhsan Radio Garoowe.

Idaacaddan oo ay xaqiijiyeen jiritaankeeda dadka dagan deegaankaasi ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in ay baahiso warar lagu kala fogaynayo dadka halkaasi daga iyo xukumadda Somaliland.

Wali ma jirto cid ka hadashay idaacadan oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland.

Labadii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa magaaladaasi Badhan ka talinayay Maamulka Garoowe.

Dhinaca kale dadwaynaha ka taga dhanka Somaliland ayaa sheegay in ay cabsi wayni la soo daristay oo mararka qaar xataa gaadiidka ay wataan ka sii furaan Taarikada Somaliland.

Geesta kale shacabkan ayaa qayb ka mid ahi sheegeen inay tabayaan dhagaysiga idaacadii waynayd ee qaranka Somaliland oo muddo dheer hawada ka maqan, taas ay ku fashilmeen xukuumadda tallada haysa ee hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top