Connect with us

somalilandtoday.com

General Khalifa Haftar Oo Amray Weerar Ka Dhan Ah Shirkadaha Turkiga Ee Ku Sugan Dalka Liibiya

focus

General Khalifa Haftar Oo Amray Weerar Ka Dhan Ah Shirkadaha Turkiga Ee Ku Sugan Dalka Liibiya

(SLT-Hargeysa)-General Khalifa Haftar oo maleeshiyaad daacad u ah ay ka dagaallamaan Libya ayaa ku goodiyay inuu weerari doono danaha Turkiga ee Libya, ka dib markii dib u dhac weyn uu kala kulmay dadaalkii uugu jiray inuu ku qabsado caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

General Xaftar ayaa ku eedeeyay xukumadda Ankara inay taageero u fidisay kuwa ka soo horjeeda.

Ciidamada ka soo horjeeda Xaftar ee taageera dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay dib u qabsadeen magaalada Istaraatiijiga ah ee Gharyan, ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen, iyagoo qabsaday saldhigii ugu weynaa ee saadka ciidamada Xaftar ee muddada bilaha ka badan weerarka ku waday Tripoli.

General Xaftar ayaa Sabti shalay wacad ku maray inuu jawaab adag ka bixin doono isagoo ku eedeeyay xoogagga magaaladaa qabsaday oo sida uu sheegay taageero ka hela Turkiga inay laayeen dhaawacyo ciidamadiisa ka tirsan oo ku jiray Isbitalka magaalada.

Eedeyntaasi Xaftar waxaa beeniyay labadaba ciidamadan dowladda taageersan ee loo soo gaabiyo GNA iyo masuuliyiinta Gharyan.

Si uu uga aarguto dib u dhaca soo gaadhay ayuu General Xaftar ama ku siiyay ciidamadiisa inay beegsadaan Maraakiibta Turkiga iyo shirkadihiisa, ay diyaaradaha Turkiga ka mamnuucaan wadankaas, isla markaana ay soo xidhaan muwaadiniinta Turkiga ee Libya ku suggan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top