Connect with us

somalilandtoday.com

Xoolo Saaka La Wareegay Madaarka Magaalada Hargeysa Iyo Diyaarad Degi Kari Wayday Garoonka

focus

Xoolo Saaka La Wareegay Madaarka Magaalada Hargeysa Iyo Diyaarad Degi Kari Wayday Garoonka

(SLT-Hargeysa)-Goroonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa gaar ahaan dhabada ay diyaaraduhu Ku soo dagaan ama ay ka hadaan ayaa saaka xoolo soo galeen.

Xoolahaasi ayaa gacan ku haynta dhabadaasi in mudo ah gacanta ku hayay una diiday in ay soo fadhiistaan wax diyaarad ahi.

Diyaarada fly Dubai oo siday rakaab tiro badan ayaa ku soo degi kari weyday madaarka Hargeysa, saaka subaxdii hore, waxana la arkaayay diyaaradaasi oo magaalada dul heehaabaysa iyada oo madaarka ka codsatay in xoolaha laga saaro, taasi oo aakhirkii si nabadgalyo ah u soo caga dhigatay.

Lama garanaayo sababta keentay in xooluhu soo galaan madaarka madaama oo dad arintaasi ku mushaar qaadan jiray ay jiri jireen.

Dhanka kalana dadka rakaabka ahaa ayaa muujiyay farxad markii ay diyaaraduhu ay la socdeen ay si nabadgalyo ah u soo fadhiisatay

Arinkani kama ay hadal maamulka maadaarku in kasta oo agaasime Rodol ku joogo booqasho Nairobi, hore ayaa taar loogu xidhay madaarka si aanay xooluhu u soo galin in kastoo albaada qaar kasoo geli karaan madaarka ayaa baryahan danbe habacsanaan ka muuqaataa iyadoo la galay waqtigii fasaxa Xagaaga.

Source: Qaran

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top