Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi Oo Ka Hadlay Dilalka Loo Geysanayo Muslimiinta Hindiya

focus

Raysal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi Oo Ka Hadlay Dilalka Loo Geysanayo Muslimiinta Hindiya

(SLT-Delhi)-Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in uu ka xanuunsaday dil toddobaadkii hore loo gaystay nin muslim ah oo u dhashay Hindiya.

Weerarka lagu dilay ninkaan ayaa waxaa geestay koox dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qowmiyada Hinduuga.

Modi ayaa waajahayay dhaleeceyn ku aadan sida adag aanu kaga hadlin beegsiga dadka Hinduuga ah ku hayaan Musliniinta Hindiya.

Isaga oo ka hadlayay xarunta baarlamaanka ayaa wuxuu yidhi wey i xanuujisay dilka ninkaan dhalinyarada ah loogu geestay degmada Jharkhand.

Modi ayaa intaa raaciyay in sharciga uu ciqaabi doono kuwii ka danbeeyay dilkaan foosha Xun.

Laamaha booliska magaalada Jharkhand ayaa xabsiga dhigay 11 qof oo lala xidhiidhinayo in dilkaan ay ku lug Lahaayeen.

Tabrez Ansari oo 24 jir ahaa ayaa 12 saac oo xidhiidh ah garaacis lagu waday iyadoo ugu danbeyn maalintii Sabtida uu dhaawacaasi ugu geeriyooday Cisbitaalka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top