Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland oo Jabuuti ku Hambalyeeyey 42 Guurada ka soo Wareegtay Madax-bannaanidooda

focus

Madaxweynaha Somaliland oo Jabuuti ku Hambalyeeyey 42 Guurada ka soo Wareegtay Madax-bannaanidooda

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 42-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegan xalay, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 42 jirsaday ee ay u dabaal-degayaan caawa, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top