Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Soo Jeediyay Sida Xal Looga Gaadhi Karo Nabad Dhex-marta Falastiin Iyo Israa’iil

focus

Mareykanka Oo Soo Jeediyay Sida Xal Looga Gaadhi Karo Nabad Dhex-marta Falastiin Iyo Israa’iil

(SLT-Washington)-La-taliyaha aqalka cad ee Mareykanka Jared Kushner ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha bariga dhexe uu yahay xalka kaliya ee ku jira in la helo nabada Israa’iil iyo Falastiin.

Mr Jared Kushner ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dadaalayo sidii loo hormarin lahaa ilaha dhaqaalaha.

Wiilkaan uu sodog u yahay madaxweyne Trump ayaa wada dadaalada Nabada ee Mareykanka uu hogaaminayo oo lagu daahfuray talaadada maanta ah magaalada Manama.

Isaga oo ka hadlayay daahfurka shirka ayaa waxuu tilmaamay in aysan suura gal noqon doonin nabada Bariga dhexe ilaa la dhisayo ilo Dhaqaale.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya diblumaasiyiin ganacsato iyo shaqsiyaad caan ah oo lagu marti Qaaday.

Shacabka reer Falastiin ayaa horay u qaadacay shirkaan maadama aysan dowlada Mareykanka aysan ku qeexin madax banaanida Falastiin.

Kushner ayaa horay u sheegay in shacabka Falatiin aysan gaarin heer ay ismaamusho waqtina ay qaadan Doonto.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top